Garowe (Dawan)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Axaddii sheegay inuu diyaar u yahay in maamulkiisu uu ka qayb-geli doono wada-hadallada qaran, balse waxa uu ku xiray laba shardi oo kala ah inay kasoo qeybgalaan dhammaan saamileyda siyaasadda laguna qabto muddo ku eg 20-ka bishaan Janaayo.
Isagoo la hadlayay dhallinyaro ku sugan caasimadda Garowe, Deni wuxuu tilmaamay in Puntland ay mar walba diyaar u tahay fagaarayaasha looga hadlayo siyaasadda iyo dowladniamda,, isla markaana ay ka qayb-geli doonto wada-hadallada haddii shirkaas uu yahay mid loo dhan yahay sida lagu heshiiyay shirkii bishii hore ka dhacay Kismaayo, kaas oo ay ka qayb galeen maamul-goboleedyada Puntland, Jubaland, iyo xubno ka tirsan mucaaradka oo ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
"Kan la malaynayo ee kasoo baxay shirkii Kismaayo oo loogu baaqay madaxweynaha federaalka ah in uu gogoshaas qabto 20 ka bisha, hadduu qabto waan tegeenaa," ayuu yiri Deni
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ayaa xusay in ka qayb-galkiisa wada-hadallada uu ku xirnaan doono hubinta in shirku uu noqdo mid loo dhan yahay, taas oo abuuri karta fursad dhab ah oo isfahan looga gaaro hannaanka doorasho ee dalka.




