Muqdisho (Dawan) – Shirweynaha Caalamiga ah ee Culuumta Kala Duwan (International Conference on Multidisciplinary Sciences) ee sannadka 2026 ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Hormuud ayaa isu keenay aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, khubaro, mas'uuliyiin, xirfadlayaal iyo arday ka kala yimid gudaha iyo dibadda Soomaaliya.
Shirweynaha oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa kaalinta sii kordheysa ee garaad gacmeedka (Artificial Intelligence – AI) ee horumarinta waxbarashada, kobcinta cilmi-baarista iyo soo saarista xalal waara oo wax looga qabanayo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud, Prof. Dr. Cabdi Cumar Shuuriye, oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha, ayaa ku dhawaaqay in jaamacaddu ay qaadayso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo aqoonta la xiriirta garaad gacmeedka h. Wuxuu sheegay in laga bilaabo semester-ka soo socda, maadada AI ay noqon doonto mid waajib ku ah dhammaan ardayda Jaamacadda Hormuud, iyada oo aan loo eegin kulliyadda ama takhasuska ay dhigtaan.
“Arday kasta oo Jaamacadda Hormuud dhigta, laga bilaabo semester-ka soo socda, maadada AI-ga waxay noqon doontaa mid waajib ku ah, xitaa haddii uu dhigto kulliyad aan xiriir la lahayn tiknoolajiyadda,” ayuu yiri Prof. Shuuriye.