Soomaaliya, 2 Oktoobar 2025 (Dawan Africa) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ku dartay miisaaniyad gaar ah oo loogu talagalay qabashada doorashooyinka 2026, taas oo qeyb ka noqon doonta miisaaniyadda guud ee qaranka sanadka soo socda.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay Arbacadii intii uu socday kulan wadatashi labo maalmood soconaya oo ka dhacay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray qaab dhismeedka miisaaniyadda 2026. Kulanka waxaa isugu yimid mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, daneeyeyaasha dhaqaalaha, bulshada rayidka ah iyo khubaro maaliyadeed, si looga doodo isku waafajinta hadafyada siyaasadeed iyo qorshaha dhaqaalaha qaranka ka hor inta aan baarlamaanka la horgeyn.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Cabdi Aadan, ayaa sheegay in miisaaniyadda 2026 ay si weyn uga duwan tahay kuwii hore, maadaama si cad loogu xidhay mudnaanta siyaasadeed ee dowladda iyo qoondada dhaqaale.
“Waa in siyaasadda iyo dhaqaalaha dowladda la isku xiraa. Ma jiri doonto qoondo aan lahayn ujeedo siyaasadeed. Hadaf kasta oo dowladda rabto inay gaarto waa in lagu caddeeyaa miisaaniyadda 2026,” ayuu yiri Agaasime Axmed.
Sida ku cad Qorshaha Miisaaniyadda 2026 ee wasaaradda, miisaaniyadda guud ee sanadka soo socda waa $1.33 bilyan, hase yeeshee waxaa ku jira farqi dhaqaale oo dhan $143 milyan. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dowladda ay raadin doonto maalgelin dibadeed, deyn ama ilo dhaqaale kale si loo buuxiyo baahidan. Markii ugu horraysay, qorshahan ayaa si cad ugu daray qoondo gaar ah oo lagu maareeyo kharashaadka doorashooyinka.
“Qabashada doorashooyinka waa masuuliyad dastuuriga ah oo dowladda saaran. Sidaa darteed, maalgelinta doorashooyinka waxaa si rasmi ah looga mid dhigay miisaaniyadda qaranka,” ayuu raaciyay Agaasime Axmed.
Si kastaba ha ahaatee, Agaasimuhu ma uusan shaacin inta lacag ee si gaar ah loogu qoondeeyay doorashooyinka 2026.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay carrabka ku adkaysay in isku waafajinta siyaasadda iyo dhaqaalaha qaranku ay muhiim u tahay helitaanka isla xisaabtan dhab ah, hufnaan iyo adeegyo si cad loo qorsheeyay oo bulshada lagu gaarsiiyo.



