Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, inuu abaabulay maleeshiyaad hubeysan oo ay sheegtay inay weerar ku qaadeen xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in kooxo hubeysan oo wejiyada soo duubtay, isla markaana watay hub culus, ay galabta weerareen saldhigga Booliska Howlwadaag. Dowladda ayaa sheegtay in kooxahaasi ay sidoo kale rasaas ku fureen xaafado ay degan yihiin dad shacab ah, taasoo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.
Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaantay falkaas mid halis ku ah amniga caasimadda, iyadoo caddeysay in aan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu carqaladeynayo howlaha hay’adaha amniga ama lagu hurinayo qalalaase iyo amni darro.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha amniga ay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdada, islamarkaana tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd weerarka.