Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay doonayaan in ay rabshado iyo dagaal ka abuuraan magaalada Muqdisho si ay u helaan maalgelin uga timaadda dhinacyo shisheeye.
Qoraal uu wasiirku ku baahiyay bartiisa X ayuu ku sheegay in ay jiraan waxa uu ugu yeeray “ajaanib” ku cadaadinaya kooxo siyaasadeed in ay magaalada Muqdisho ka abuuraan qalalaase, isagoo ku dooday in lacag la sugayay aan la sii deyn doonin haddii aan magaalada laga ridin rasaas.
“Qoladii Beerka iyo Kelida Ariga, ajaanibtii xariga u haysay waxay ku xujeeyeen in iyagoon Xamar xabad ka ridin aan loo soo fasaxayn qarashkii u harsanaa,” ayuu wasiirku ku yiri qoraalkiisa.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ku eedeeyay mucaaradka in ay hub la galeen magaalada, gaar ahaan goobaha ay shacabka u aadaan damaashaadka iyo nasashada, isagoo tusaale u soo qaatay xeebta Liido oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimadda.