Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday dadaallo lagu diyaarinayo qorshe dib loogu dhisayo buundooyinka Sabiib iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo burburkoodu si weyn u saameeyay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, gaar ahaan wax-soo-saarka beeraha.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa guddomiyay wada-hadallo u dhexeeya wasaaradaha ay khuseyso, si loo qiimeeyo xaaladda buundooyinka iyo saameynta ay ku yeesheen bulshada iyo dhaqaalaha deegaanka.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa kulanka ka sheegay in burburka buundooyinkan uu carqaladeeyay gaarsiinta dalagyada suuqyada iyo helitaanka adeegyada muhiimka ah, taas oo si toos ah u saameysay nolosha beeraleyda.


