Muqdisho (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan joojisay qorshihii lagu qaadan lahaa macallimiin cusub, kaddib markii ay soo baxeen duruufo dhaqaale iyo miisaaniyadeed oo aan saamaxin hirgelinta qorshahaas, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Wasiirka ayaa arrintan ka sheegay kulan uu su’aalo kaga jawaabayay xildhibaannada Guddiga Horumarinta Arrimaha Bulshada, isaga oo xusay in qorshuhu ahaa in sanadkan la qaato macallimiin cusub, balse aan loo helin dhaqaale ku filan.
“Sanadkan waxay ahayd in macallimiin cusub la qaato, duruufahayaga ayaa suuragelin waayay, miisaaniyaddeennana laguma soo darin,” ayuu yiri wasiirku. Waxa uu intaas ku daray in wasaaraddu rajaynayso in qorshaha qaadashada macallimiinta cusub dib loo hirgeliyo sanadka soo socda.
Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in baahida macallimiinta ee dalka ay weli aad u sarreyso, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay ku dhowaad 120,000 oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarashada.