Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dibadbaxa ay qorsheynayaan mucaaradka lagu qaban karo oo keliya goobaha ay dowladdu u asteeysay, iyadoo mas’uuliyiintu ku adkeysanayaan in ilaalinta amniga caasimaddu ay tahay waajib saaran dowladda.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye “Yabooh”, ayaa sheegay in dowladdu aysan diidin dibadbaxa, balse ay u qorsheysay goobo cayiman oo loo oggol yahay in lagu qabto si loo sugo amniga iyo kala dambeynta magaalada.
Yabooh ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu dhagax-dhigayay mashruuca dib-u-dhiska xarunta maamulka degmada Xamar Jajab, isagoo xusay in hay’adaha amniga ay hore u cayimeen meelaha lagu qaban karo dibadbaxa.
“Bannaanbax dowladdu waa fasaxday, mana diidin, waana oggolaatay bannaanbax dowladdu,” ayuu yiri Yabooh.
Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay xaq u leedahay inay cayinto goobaha lagu qabanayo isu-soo-baxyada dadweynaha, maadaama ay mas’uul ka tahay amniga shacabka.
“Dowladdu waa inay tiraahdaa meel hebel ah ayaa lagu bannaanbaxi karaa. Waxaa la cayimay, saddex maalmood, saddex meelood ayaa la cayimay in bannaanbax lagu qaban karo,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Inkastoo uusan si rasmi ah u magacaabin goobaha la cayimay, haddana dowladda ayaa hore dibadbaxyo mucaaradku qorsheeyeen ugu qoondeysay garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisow.
Guddoomiye Yabooh ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha mucaaradka inay taageerayaashooda kula hadlaan goobaha loo oggolaaday, isagoo ka digay in hub lagu dhex wato dibadbaxyo siyaasadeed.