Jabuuti (Dawan) – Hay’adda Qaranka ee Saadaasha Hawada Jabuuti ayaa ka digtay mowjad kuleyl daran oo la filayo inay saameyso qaybo badan oo dalka ka mid ah ilaa 9-ka Juun, iyadoo waqooyiga iyo bariga dalka lagu tilmaamay meelaha ugu halista badan.
Warbixin ay soo saartay Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada (ANM) ayaa lagu sheegay in heerka cadaadiska kuleylka ee gobollada waqooyiga iyo bariga Jabuuti uu gaari karo inta u dhexeysa 44 ilaa in ka badan 53, taasoo sare u qaadeysa khatarta cudurrada iyo xaaladaha caafimaad ee la xiriira kulaylka daran.
Hay’addu waxay sheegtay in gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka, oo ku jira heer digniin dhexe, laga filayo heerar kuleyl oo u dhexeeya 34 ilaa 40, kuwaas oo sidoo kale sababi kara fuuqbax, daal iyo dhibaatooyin caafimaad oo gaar ahaan saameyn kara dadka bannaanka ka shaqeeya.
Hay'adda ayaa shacabka kula talisay inay si joogto ah u cabbaan biyo badan, isla markaana ay ka fogaadaan dhaqdhaqaaqyada culus iyo safarrada aan daruuriga ahayn inta u dhexeysa 11:00 subaxnimo iyo 4:00 galabnimo, oo ah waqtiga ugu kulul maalinta.