Baydhabo (Dawan)— Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Baydhabo, iyadoo shirkan lagu soo saaray bayaan iyo qaraar ku saabsan xoojinta amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee maamulka.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo ah hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, waxaana si gaar ah looga hadlay weerarradii iyo qaraxyadii 17-kii Agoosto ka dhacay magaalada Baydhabo.
Golaha Wasiirrada ayaa qaraarkooda ku sheegay in Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” iyo xubnaha uu hoggaamiyo ay u aqoonsadeen koox argagixisada kamida ah.
Goluhu wuxuu sheegay in dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ay Laftagareen iyo garabkiisa ula macaamili doonaan sida loola macaamilo kooxaha argagixisada, iyagoo sidoo kale ku eedeeyay inay xiriir iyo isbahaysi la leeyihiin Al-Shabaab.