Soomaaliya (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray laba jadwal oo ku saabsan qabashada doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka iyo labada gole ee baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo la qabanayo 30-ka Sebtembar.
Galmudug, oo go’aanka dib loogu qabanayo doorashooyinkeeda la qaatay, ayaa marxaladaha jadwalka lagu dhawaaqay ka bilaabmaya 10-ka Sebtembar, markaas oo la cayimayo goobaha iyo xarumaha cod-bixinta. 20-ka Sebtembar ayaa la filayaa in la shaaciyo musharraxiinta ururrada siyaasadda, halka 22-ka Sebtembar ururradu soo gudbinayaan wakiilladooda goobaha cod-bixinta. 26-ka Sebtembar ayaa la qorsheeyay in la ansixiyo wakiillada iyo kormeerayaasha.