Soomaaliya, 16 Maarso 2026 (Dawan) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku heshiiyay inay dhisaan guddi wadajir ah oo kormeera sugnaanta cunnada iyo ka jawaabista abaaraha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta SODMA maalinimadii Axadda.
Heshiiskan ayaa yimid ka dib kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Maxamuud Macallin Cabdulle, guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SOMA), iyo George Conway, oo ah Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Guddiga wadajirka ah ayaa hoggaamin doona habraaca lagu fulinayo qorshaha ka hortagga iyo u diyaargarowga dhibaatooyinka sugnaanta cunnada (FSCPP), kaas oo ah hannaan istiraatiijiyadeed oo loogu talagalay in lagu dardargeliyo ka jawaabista dalka ee khataraha xilliyeedka cimilada ee soo noqnoqda.








