Muqdisho (Dawan) — Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adaha Dowladda Federaalka faray inay hirgeliyaan isku-xirka Nidaamka Mushahar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu xaqiijinayo xogta shaqaalaha dowladda iyo cidda xaqa u leh inay mushahar ka qaadato dowladda.
Sida ku cad go’aanka Xafiiska Xisaabiyaha Guud, wejiga koowaad ee qorshahan waxaa lagu tijaabinayaa shan hay’adood, iyadoo tijaabadu bilaabaneyso 1-da Oktoobar 2026.
Nidaamka ayaa markii dambe si tartiib-tartiib ah loogu ballaarin doonaa hay’adaha kale ee dowladda, waxaana qorshuhu yahay in isku-xirka nidaamka si buuxda loo hirgeliyo 31-ka Diseembar 2027.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa hay’adaha dowladda sidoo kale faray inay dib u hubiyaan xogta shaqaalahooda, gaar ahaan shaqaalaha aan weli lagu xaqiijin nidaamka Aqoonsiga Qaranka.