Xuddur (Dawan) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa tababar ku saabsan habraaca doorashada ka furay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo diyaarinta doorashooyinka la filayo in ay ka qabsoomaan deegaannadaas.
Tababarkan ayaa waxaa qaadanaya howl-wadeennada doorashooyinka ee ka shaqeyn doona maamulka iyo fulinta howlaha doorashada, kuwaas oo lagu barayo habraacyada muhiimka ah sida diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maamulka goobaha codbixinta, iyo ilaalinta hufnaanta geeddi-socodka doorashada.
Guddiga ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka soo socda ay u dhacaan si xor iyo xalaal ah.


