Tehran (Dawan) – Iran ayaa Isniintii ku eedeysay Israa’iil inay ku xadgudubtay madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii ay safiir u magacowday Somaliland.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaaciil Baaqei, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay faragelin ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana ay wiiqayso midnimada dhuleed ee dalka.
Wuxuu ku tilmaamay go’aankan mid si cad uga hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo ka digay in uu sababi karo xasilooni darro iyo kala qaybin dheeraad ah oo saamayn ku leh gobolka


