Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u magacaabay saddex goobood oo lagu qaban karo dibadbaxa ay mucaaradku qorsheynayaan inuu 4-ta Juun ka dhaco Muqdisho, isagoo sheegay in isu-soo-baxa la fasaxay balse lagu qabanayo shuruudo amni oo gaar ah.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa sheegay in go’aankan uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, iyadoo lagu saleeyay qodobbada dastuurka ee dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka, isu-imaatinka nabadeed iyo ixtiraamka aragtiyaha kala duwan.
Sida lagu sheegay qoraalka maamulka, dibadbaxa waxaa lagu qaban karaa Garoonka Engineer Yariisow Stadium (Ex-Koonis) ee degmada Cabdicasiis, Garoonka Stadium Muqdisho ee degmada Warta Nabadda, iyo Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in goobahaas loo asteeyay si loo ilaaliyo amniga, ganacsiga iyo howlaha horumarineed ee ka socda caasimadda, isla markaana looga hortago khalkhal amni ama carqalado saameyn kara isu-socodka bulshada.