Muqdisho, 4 Maarso 2026 (Dawan)– Inta badan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee matala dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa xalay oo Talaado ahayd si rasmi ah u diiday isku dayga dowladda ee la xiriira ansixinta dastuur cusub, iyagoo geeddi-socodkaas ku tilmaamay mid “waxba kama jiraan” ah.
War-murtiyeed wadajir ah oo laga soo saaray Kismaayo ayay 39 xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku sheegeen in wax ka beddelka dastuurka, oo ay ku eedeeyeen inuu hormuud ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu xadgudub ku yahay mabaadi’da federaalka dalka isla markaana uu baalmarsan yahay sharciga.
“Waxa la soo bandhigay ma aha oo kaliya wax ka beddel ama dhammaystir lagu sameynayo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah, balse waa dukumenti gebi ahaanba cusub oo ka baxsan awoodda Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Xildhibaannadu waxay ku doodeen in geeddi-socodku uu hareer maray wadatashiyadii muhiimka ahaa ee lala yeelan lahaa hoggaanka Jubbaland, bulshada rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka.
Xildhibaannada Jubbaland oo diiday ansixinta Dastuurka
Tallaabadan ayaa muujinaysa koror ku yimid khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.








