Geneva (Dawan) — Ku dhowaad 874,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa laga yaabaa inay guryahooda uga barakacaan fatahaado saddexda bilood ee soo socda, sida ay Arbacadii ka digtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, iyadoo webiyada buuxsamaya iyo roobabka xooggan ay halis gelinayaan bulshooyin horay ula daalaa dhacayay abaaro iyo barakac soo noqnoqday.
Madaxa IOM ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira, ayaa sheegay inay suuragal tahay in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan toddobaadyo gudahood. Waxa uu xusay in qoysas badan ay horay u soo barakaceen, ayna haystaan ilo aad u kooban oo ay ku tiirsanaadaan.
Pereira ayaa sheegay inuu weli jiro waqti lagu yareyn karo saameynta fatahaadaha, balse fursaddaasi ay sii yaraanayso. Waxa uu ku baaqay dhaqaale degdeg ah oo dadka ka caawiya ilaalinta guryahooda iyo ilaha noloshooda, u guurista goobo ammaan ah marka loo baahdo iyo ka hortagga barakac kale.
Saadaal cusub oo ay soo saareen IOM iyo Golaha Qaxootiga Denmark ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar, iyadoo fatahaaduhu sababi karaan 92% barakaca la saadaaliyay. Digniintan ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay galayso xilli-roobaad la saadaaliyay inuu ka badan yahay heerka caadiga ah, iyadoo xaaladaha El Niño ay sii xoogeysanayaan, sida ay IOM sheegtay.
Hay’addu waxay heshay keliya qiyaastii 14.4% lacagta dhan 16.62 milyan oo doollar ee ay ugu baahan tahay u diyaargarowga iyo ka jawaabidda fatahaadaha la xiriira El Niño, taas oo u dhiganta ku dhowaad 2.4 milyan oo doollar. Dhaqaalahaas ayaa loogu talagalay in lagu taageero in ka badan 517,000 oo qof oo ku nool deegaannada fatahaaduhu ku badan yihiin ee Soomaaliya.