Addis Ababa (Dawan ) – Itoobiya ayaa dardargelinaysa diyaarinta martigelinta shirweynaha caalamiga ah ee isbeddelka cimilada COP32, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed uu guddoomiyay kulan heer sare ah oo lagu qiimeynayay halka ay marayaan qorshayaasha qabaanqaabada shirka.
Kulankan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay guddiga u xil saaran qabaanqaabada shirka, iyadoo si qoto dheer loo eegay horumarka la gaaray, caqabadaha jira iyo meelaha u baahan in la dardargeliyo.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay doonayso in dhammaan howlaha socda ay si buuxda ula jaanqaadaan istaraatiijiyadda qaran ee la xiriirta isbeddelka cimilada iyo horumar waara.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa goorau uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay in qorshaha Itoobiya uu yahay mid cad isla markaana ay doonayaan in shirka ay si heer sare ah u martigeliyaan.
“Hiigsigeenu waa mid cad, anagoo xoojinayna iskaashi adag, aragti mideysan iyo dadaal wadajir ah, waxaan hiigsaneynaa inaan si heer sare ah u martigelino dhacdadan caalamiga ah,” ayuu yiri Abiy Axmed.
Intii kulanka socday, waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay jihada mustaqbalka ee wadashaqeynta, si loo dardargeliyo howlaha hadhsan loona hubiyo in Itoobiya si guul leh u qabato shirka muhiimka ah.
Shirweynaha Conference of the Parties (COP) waa kulanka ugu weyn ee caalamka ee looga hadlo arrimaha isbeddelka cimilada, waxaana sannad kasta isugu yimaada dalalka xubnaha ka ah United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC).


