Addis Ababa, 4 Maarso 2026 (Dawan ) – Dowladda Itoobiya ayaa isu diyaarinaysa qabashada meertada afaraad ee Madasha Maalgashiga Caalamiga ah ee “Invest in Ethiopia” oo dhici doonta 26-ka iyo 27-ka Maarso 2026, iyadoo hiigsanaysa in la saxiixo heshiisyo maalgashi oo ka badan 2.4 bilyan oo doolar.
Madasha oo halkudhig looga dhigay “Itoobiya waxay u diyaarsan tahay maalgashi” ayaa la filayaa inay soo jiidato in ka badan 800 maalgashade oo caalami ah, hoggaamiyeyaal ganacsi, dejiyeyaasha siyaasadda iyo bah-wadaag horumarineed.
Qabanqaabada madasha waxaa iska kaashanaya Hay’adda Maalgashiga Itoobiya iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo la shaqeynaya tiro ka mid ah hay’adaha horumarinta caalamiga ah.
Madaxa Maalgashiga Itoobiya, Zeleke Temesgen, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in madashu ay ka koobnaan doonto doodo heer sare ah oo siyaasadeed, kulammo maalgashi oo waaxeed, shirar laba-geesood ah oo u dhexeeya shirkado, iyo bandhigyo lagu muujinayo waaxyaha mudnaanta u leh maalgashiga.
Wuxuu xusay in ujeeddadu tahay in la muujiyo isbeddellada ka socda jawiga maalgashi ee dalka iyo fursadaha cusub ee ka dhashay dib-u-habaynta dhaqaalaha guud ee la hirgeliyay.
Meeratadii sannadkii hore, shan shirkadood oo ka howl gala waaxyaha macdanta iyo tamarta qorraxda ayaa saxiixay heshiisyo gaaraya ku dhowaad 1.6 bilyan oo doolar, kuwaas oo durba bilaabay howlahooda isla markaana dhoofinaya wax-soo-saarkooda suuqyada caalamiga ah.
Sidoo kale, dowladda ayaa sannadkan sare u qaadday yoolkeeda, iyadoo doonaysa inay soo jiidato in ka badan 2.4 bilyan oo doolar oo ballanqaadyo maalgashi cusub ah.






