Itoobiya, 5 Diseembar 2025 (Dawan) – Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay saxeexa heshiis nabadeed oo dhexmaray Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dhaqdhaqaaqa Fano (FANO-AFPO), taasoo noqonaysa tallaabo muhiim ah oo lagu joojinayo nabad-galyada ka dib sanado badan oo kacdoon iyo dagaal ah oo ka jiray Waqooyiga Itoobiya.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay qodobo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisin iyo xalinta khifaadka, Amniga iyo Nabad galyada, iyo dib-u-heshiisiinta buldhada, Midowka Africa iyo IGAD ayaa taageerayay heshiiskaan.
Munaasabadda saxeexa waxay shalay ka dhacay caasimadda gobolka ee Bahir Dar, iyadoo ay goob joog ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Midowga Afrika, Salma Malika Haddadi, Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Hay’adda Iskaashiga Dowladaha Bariga Afrika (IGAD), Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Gobolka Amxaarada, Arega Kebede.
Haddadi ayaa bogaadisay labada dhinac ee heshiiskan, iyadoo tilmaantay in heshiiskan uu astaan u yahay horumar weyn oo aan kaliya ku saabsaneyn Itoobiya, balse sidoo kale uu muhiim u ah qaaradda Afrika oo dhan.
“Heshiis kasta oo nabadeed waa talaabo kale oo yoolkeena ku jihayneysa dhamaadka dagaalka Afrika.” Ayay tiri Salma Malika Haddadi








