Addis Ababa, (Dawan) – Itoobiya ayaa u dabbaaldegtay sannad-guuradii 130-aad ee guushii taariikhiga ahayd ee dagaalkii Cadwa, oo ku astaysan iska caabbinta gumaysiga, midnimada qaran iyo halganka Afrika ee ku qotoma xusuusta qaaradda.
Munaasabadda sanadkan ayaa lagu muujiyay baaqyo ku saabsan xoojinta midnimada qaran iyo dhisidda himilo wadajir ah, iyadoo sidoo kale lagu adkeeyay in dhaxalka dagaalkii Cadwa loo beddelo horumar la taaban karo.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa guusha Cadwa ku tilmaamay maalin ay iftiin heleen dadkii Afrikaanka ahaa ee ku hoos noola mugdiga gumeysiga, isagoo xusay doorka ay ku lahayd ilaalinta madaxbannaanida Itoobiya iyo difaaca ilbaxnimada fac weyn ee aan waligeed gumeysi toos ah gelin.
Abiy Axmed ayaa sidoo kale bogaadiyay halgankii iyo naf-hurnimadii halyeeyadii Itoobiya ee dagaalkii 1896, isagoo ugu baaqay shacabka maanta inay ilaashadaan midnimada dalka, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan ka gudbidda saboolnimada, kala-qaybsanaanta iyo dib-u-dhaca.
Xafladaha ayaa halku-dhig looga dhigay “Taariikh Sharaf Leh iyo Mustaqbal Iftiin Leh,” waxaana la qabtay munaasabado rasmi ah oo ka dhacay taallada xusuusta Cadwa ee magaalada Addis Ababa, iyo sidoo kale dabaaldegyo ballaaran oo ay ka qayb galeen dadweyne tiro badan.
Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Caa’isha Maxamed, ayaa sheegtay in guusha Cadwa ay weli dhiirrigelin u tahay ciidamada qalabka sida ee dalka, isla markaana ay astaan u tahay midnimada iyo adkeysiga Afrika. Waxay intaas ku dartay in naf-hurnimadii jiilashii hore ay saldhig u noqotay dadaallada maanta lagu ilaalinayo danaha qaranka iyo horumarinta dalka, oo ay ku jiraan mashaariic waaweyn sida Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD).







