Somaliland, 29 October 2025 (Dawan) — Shirkadda DP World ayaa shalay si rasmi ah ugu wareejisay Jaamacadda lagu baran doono Culuumta Dabiiciga ah iyo Teknoolojiyadda ee SUNSAT ee Degmada Sheikh sheybaar casri ah oo ay dhistay, kaas oo loogu talagalay in lagu sameeyo cilmi-baarisyo la xiriira kheyraadka dabiiciga ah iyo horumarinta deegaanka iyo dhismaha jaamacadda SUNSAT oo hadda socda.
Munaasabadda furitaanka iyo wareejinta shaybaarkan, oo lagu qabtay xarunta jaamacadda ee degmada Sheekh, ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyeyaasha gobollada Saaxil iyo Togdheer, duqa degmada Berbera, maamulka degmada Sheekh, iyo madax ka socotay shirkadda DP World.
Guddoomiyaha degmada Sheekh, Ismaaciil Xabeeb, iyo duqa Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan, ayaa si isku mid ah ugu tilmaamay dhismahan mid wax weyn ka tari doona kor u qaadista aqoonta iyo cilmibaarista Soomaaliland.
Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Geeska Afrika Supachai Wattanaveerachai, ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay qorshaha shirkadda ee lagu taageerayo waxbarashada iyo xirfadaha dhalinyarada. “DP World waxay rumaysan tahay in jiilka cusub ee Somaliland uu yahay furaha horumarka. Taageerada aan siineyno waxbarashada waa maalgelin nololeed,” ayuu yiri Supachai Wattanaveerachai.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isna xusay muhiimadda ay leedahay in la maamuuso cid kasta oo wax-qabad muuqda ku darsata horumarinta waxbarashada Somaliland. Waxa uu bulshada ugu baaqay in ay si wadajir ah u ilaaliyaan hantida iyo xarumaha cilmi-baarista ee laga dhisay degaankooda.
Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Somaliland, Jaamac Muuse Jaamac, oo ka mid ah guddida dhismaha jaamacadda SUNSAT, ayaa sheegay in sheybaarkan uu ka dhigan yahay “bilow cusub oo lagu kobcinayo aqoonta iyo tijaabooyinka sayniska” ee ardayda.
Sheybaarka ay hirgelisay shirkadda DP World ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu casrisan ee dalka laga hirgeliyo, waxaana la filayaa inuu si weyn u kordhiyo awoodda cilmi-baarista iyo barashada sayniska ee ardayda jaamacadda SUNSAT ee degmada Sheekh.
DP world ayaa horay u maalgelisay dekadda berbera iyadoo hadda gacanta ku heysa maamulka howlaha ka socda dekadda.



