Jabuuti, 5 Maarso 2026 (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa Arbacadii xarigga ka jaray qayb gaar ah oo loogu talagalay daaweynta xididdada maskaxda iyo wadnaha, oo laga hirgeliyay Cisbitaalka Guud ee Peltier, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Cisbitaalka Jaamacadda Jabuuti (CHU).
Qaybtan cusub, oo loo bixiyay NeCav, ayaa ah tii ugu horreysay ee dalka gudihiisa ah oo hal meel isugu keenta daaweynta neerfaha iyo xaaladaha degdega ah ee wadnaha. Cisbitaalka Jaamacadda Jabuuti ayaa sheegay in qaybta ay ka hawlgalaan saddex dhakhtar oo neerfaha ah iyo afar dhakhtar oo wadnaha ah, iyadoo qorshuhu yahay in lagu daro khabiir dhinaca dib-u-soo-shaqaysiinta .







