Jabuuti (Dawan) — Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jabuuti Maxamed Cabdqaadir Muuse Helem ayaa Isniintii la kulmay Safiirka Mareykanka ee Jabuuti Cynthia Kierscht, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada isgaarsiinta iyo teknolojiyadda cusub, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta iyo teknolojiyadaha cusub, suda ay ADI sheegtay.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyadan, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda sii kordheysa ee kaabayaasha dijitaalka ah iyo adeegyada dijitaalka ah ay u leeyihiin horumarinta dhaqaalaha.