Jabuuti (Dawan)– Dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis difaac oo lagu dejinayo qaab-dhismeedka sharci ee joogitaanka iyo howlaha ciidamada badda ee howlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR ASPIDES gudaha Jabuuti. Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga badda iyo ilaalinta isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Qaranka Jabuuti (ADI), heshiiskan oo ah Heshiiska Xaaladda Ciidamada (Status of Forces Agreement – SOFA) ayaa la saxiixay intii ay booqasho rasmi ah ku joogtay Jabuuti Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Guddiga Yurub, Kaja Kallas.
Kallas ayaa intii ay booqashada ku jirtay kulan la qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, waxaana kulanka goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ku-meel-gaarka ah, Cumar Cabdi Saciid.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jabuuti, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jabuuti iyo Midowga Yurub, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan amniga badda, xaqiijinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta, iyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.