Jabuuti (Dawan)– Dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay fursado cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca tamarta, iyadoo diiradda la saaray horumarinta tamarta nadiifta ah, korontada miyiga iyo hirgelinta qorshayaasha tamareed ee dalka.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti, Dr. Jaamac Mohamed Hassan, ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Jabuuti iyo IGAD, Denisa-Elena Ionete, iyo wafdi ka socday Midowga Yurub, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac, gaar ahaan mashaariicda la xiriira tamarta, korontada miyiga iyo hirgelinta Qorshaha Qaranka ee Tamarta.