Jabuuti (Dawan ) — Dowladda Jabuuti ayaa ballan qaaday in la hagaajinayo adeegyada la siiyo Xujeyda, iyadoo diyaargarowga Xajka uu galay marxalad hawlgal, sida ay Sabtidii sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Jabuuti.
Arrinkaan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii Wasiirka Arrimaha Islaamka Jabuuti, Muumin Xasan Barre, uu kulan la yeeshay xubnaha guddiga howlgalka Xajka si loo qiimeeyo heerka diyaar-garowga ee xilli-xajka soo socda.
Sida ay sheegtay wakaalada kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha maamulka, isku dubbaridka howlaha iyo abaabulka shaqaalaha loo xilsaaray taageerada Xujeyda Jabuuti ee ku sugan Sacuudiga.


