Jabuuti (Dawan)– Jabuuti ayaa bilowday dib-u-habayn heer qaran ah oo lagu sameynayo nidaamka gudbinta bukaannada, taas oo lagu doonayo in la fududeeyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee takhasuska leh isla markaana la xoojiyo isku-dubbaridka xarumaha caafimaadka, sida uu Axaddii baahiyay Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka Jabuuti (RTD).
Sida uu RTD sheegay, qorshahan ayaa lagu daahfuray kulan uu guddoomiyay Wasiirka Caafimaadka Muna Cissmaan Aadan, waxaana ka qeyb galay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda, agaasimayaasha isbitaallada, dhakhaatiir takhasus leh iyo maamulayaasha xarumaha caafimaadka.
Dib-u-habayntan ayaa lagu doonayaa in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa xarumaha caafimaadka aasaasiga ah, polyclinics-ka iyo isbitaallada dowladda iyadoo la hirgelinayo nidaam isku xiran oo gudbinta bukaannada ah. Ujeeddadu waa in la hagaajiyo daryeelka joogtada ah ee bukaannada iyo in bukaanku helaan adeegga caafimaad ee ku habboon heerka ay xaaladdoodu u baahan tahay.
Wasiirka Caafimaadka, Muna Cissmaan Aadan, aya sheegtay in dib-u-habayntan loogu talagalay in adeegyada caafimaadka ee takhasuska leh loo soo dhoweeyo bulshada, isla markaana la xoojiyo awoodda xarumaha caafimaadka ee deegaanka si isbitaallada waaweyn ay diiradda u saaraan xaaladaha caafimaad ee adag.