Jabuuti (Dawan) – Wasaaradda Dhaqaalaha Dijitaalka ah iyo Hal-abuurnimada ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Isniintii si rasmi ah u daahfurtay Barnaamijka Hal-abuurka Jabuuti 2025.
Munaasabadda daahfurka oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Jabuuti iyo wakiillo ka socday dalalka saaxiibada ah, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha qaran ee lagu taageerayo dhalinyarada iyo kor u qaadista ganacsiga dalka.
Sida ay sheegtay Wasaaradda, barnaamijku wuxuu diiradda saaraya xoojinta hal-abuurka iyo ganacsiga dhijitaalka ah ee dhalinyarada Jabuuti. Waxaa lagu hirgelinayaa iskaashi ay wada leeyihiin Wasaaradda Dhaqaalaha Dijitaalka ah iyo Hal-abuurnimada, Xarunta Hogaaminta iyo Ganacsiga (CLE), iyo hay’ado caalami ah oo uu kamid yahay Bangiga Adduunka.
Barnaamijkan ayaa dhalinyarada siinaya fursad ay fikradahooda ganacsi ugu rogaan mashaariic la taaban karo, taas oo ka qayb qaadan doonta kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee gobolka.








