Jabuuti (Dawan) – Ciidanka Ilaalada Nabadgelyada ee Jabuuti ayaa sheegay inay xireen 11 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga daroogada iyo falal baad ah oo ka dhacay deegaanka Balbala, kaddib howlgal amni oo ballaaran oo laga fuliyay magaalada.
Howlgalka oo loogu magac daray “Red Line” ayaa la fuliyay dhammaadkii toddobaadka Ciidda, wuxuuna qeyb ka ahaa olole qaran oo ay dowladda Jabuuti ku sheegtay mid lagula dagaallamayo dambiyada abaabulan iyo kooxaha ku lugta leh falalka amniga lidka ku ah.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen Ciidanka Ilaalada Nabadgelyada, howlgalka ayaa ka dhashay baaritaanno ay muddo waday qeybta baarista iyo xog-ururinta, kuwaas oo lagu beegsaday shabakad dembiyeed la tuhunsan yahay inay si weyn uga howlgeli jirtay deegaanka Balbala.
Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada laga fuliyay dhowr goobood oo kala duwan, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo kala duwan oo ay ku jiraan ciidamada gurguura, qeybta eyda baarista, hawlwadeennada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-yada), iyo adeegyada caafimaadka ee ciidamada amniga.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay xashiish ah, hub, lacag ka badan 400,000 oo faranka Jabuuti ah, mooto loo adeegsan jiray qaadista daroogada iyo taleefanno dhowr ah oo la sheegay in la xaday.