Jabuuti (Dawan)— Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jabuuti Orbiss Helaf Orbiss ayaa Isniintii la kulmay soo-dejiyeyaasha, jumladleyda iyo ganacsatada si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan khataraha caafimaad ee ka dhasha iibinta cuntooyinka waqtigooda isticmaalka uu dhammaaday, sida ay werisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka saaran ganacsiyada ku hawlan ganacsiga cuntada iyo khataraha caafimaad ee macaamiisha ka soo gaari kara badeecooyin aan ku habboonayn in la isticmaalo, sida ay ADI sheegtay.
Orbiss ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la raaco xeerarka khuseeya kaydinta iyo ilaalinta tayada cuntada, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay suuqa ka saaraan cuntooyinka dhacay ama kuwa laga yaabo inay khatar caafimaad keenaan.