Jabuuti (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay qorsheyneyso dhismaha warshad sifeynaysa shidaalka, iyadoo dadaal ugu jirta xoojinta awoodda tamarta gudaha iyo yareynta saameynta isbeddellada suuqyada caalamiga ah.
Qorshahan ayaa ka soo baxay wadahadallo ay Jabuuti la yeelatay Hay’adda Caalamiga ah ee Maalgelinta Ganacsiga Islaamka (ITFC), oo ka tirsan Kooxda Bangiga Horumarinta Islaamka, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda Tamarta Isniintii.
Wasiirka Tamarta Jabuuti, Yoonis Cali Geeddi, ayaa magaalada Jabuuti ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Pape Sy, kuwaas oo ugu sugan dalka booqasho shaqo oo dhowr maalmood ah.
Sida ay wasaaradda sheegtay wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista mashaariicda socda ee lala leeyahay Hay’adda Shidaalka Jabuuti (SIHD) iyo diyaarinta istaraatiijiyad iskaashi oo cusub oo u dhaxaysa 2026 ilaa 2030.
Mashaariicda la falanqeeyay waxaa ka mid ah sameynta keyd shidaal oo daboolaya in ka badan lix bilood oo isticmaal ah, dhismaha warshad sifeynaysa shidaalka, iyo warshad soo saarta foostooyin loogu talagalay dhoofinta bitumen-ka suuqyada gobolka.
“Waxaan wajahnaa cawaaqib dhaqaale iyo bulsho oo ka dhashay qalalaasaha jira, waxaana muhiim ah in la dhiso keyd istiraatiiji ah oo daboolaya in ka badan lix bilood,” ayuu yiri wasiirka tamarta, sida lagu sheegay bayaanka.


