Istabul (Dawan) — Jabuuti ayaa ku baaqday xoojinta iskaashiga u dhexeeya baarlamaanada caalamka intii uu socday shirka 152-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (UIP), sida ay Jimcihii baahisay wakaaladda wararka dowladda Jabuuti ee ADI.
Wafdiga Jabuuti oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dileita Mohamed Dileita, ayaa ka qeyb galay kulanka ka socda Istanbul, kaas oo soconaya inta u dhaxaysa 15 ilaa 19 Abriil, halkaas oo ay ka socdaan doodaha guud ee shirka.
Khudbad uu jeediyay, Dileita ayaa ku baaqay dib-u-habeyn hay’adeed oo waara iyo in la xoojiyo iskaashiga baarlamaanada si wax looga qabto caqabadaha sii kordhaya ee caalamka.
“Xasilloonida hay’adaha waa shuruud muhiim ah oo lagu xaqiijin karo horumar waara iyo ilaalinta jiilalka mustaqbalka,” ayuu yiri.


