Dooxa, Sebteembar 16 – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Isniintii cambaareeyey duqeymaha dhowaan Israa’iil ka geysatay dalka Qatar, isagoo ku baaqay tallaabo mideysan oo wax ku ool ah oo ay qaadaan dalalka Carabta iyo Muslimiinta.
Isagoo ka hadlayey shir-madaxeedka degdegga ah ee ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka socda magaalada Dooxa, ayuu ku tilmaamay weerarradan aflagaado ka dhan ah dunida Carabta iyo Muslimiinta iyo jebin cad oo sharciyada caalamiga ah ah.“Magaaca dalka Jabuuti ayaan ku caddeynayaa caro qoto dheer iyo cambaareyn adag oo aan u jeedinayo gardarradan,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Shirka degdegga ah ayaa isu keenay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Muslimiinta si ay uga wada hadlaan xaaladda cusub ee ka dhalatay weerarrka lagu qaaday Qatar. Madaxweyne Geelle ayaa hadalkiisa ku sheegay in duqeymahaasi aanay oo keliya bartilmaameedsan Qatar, balse ay taabanayaan guud ahaan dunida Carabta iyo Muslimiinta.“Tani waa gardarro ka dhan ah Muslim kasta iyo Carab kasta, sidoo kale waa caqabad cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo banii’aadanimada guud,” ayuu ku daray.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale xusay kaalinta Qatar ka ciyaarto diblomaasiyadda, gargaarka bani’aadanimada iyo u doodista caddaaladda. Wuxuu dalka ku tilmaamay “iftiin nabadeed, hoyga kuwa la dulmiyo iyo cod joogto ah oo caddaaladda u hadla,” isagoo ku daray in “weerar kasta oo lagu qaado Qatar aan la aqbali karin.”








