Kismaayo (Dawan) – Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda hannaanka wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo ku doodaysa in geeddi-socodka socda uusan ku dhisnayn heshiis qaran iyo wadatashi loo dhan yahay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kaddib wadatashi ay yeesheen xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland, mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ay Jubaland go’aansatay in aysan ka qeyb qaadan tallaabooyinka lagu wado wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka dastuurka.
Jubaland waxay sheegtay in jidka loo marayo dib-u-eegista dastuurka uu ka baxsan yahay habraacyadii iyo heshiisyadii hore loogu dejiyay arrintan, isla markaana uusan ku dhisnayn is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.







