Muqdisho (Dawan)– Cabdalla Maxamed Cabdalla wuxuu ka mid yahay ardayda Suudaan ee wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Tan iyo markii uu ka soo tegay dalkiisa, wuxuu la noolaa walaac joogto ah oo ku saabsan kharashaadka caafimaadka, maadaama uu ka fog yahay qoyskiisa isla markaana aanu haysan awood uu ku daboolo daweyn qaali ah haddii uu xanuunsado.
Maanta, wuxuu gacanta ku heystaa kaar caafimaad oo u dammaanad qaadaya inuu si lacag la’aan ah ku heli karo adeegyada caafimaadka ee Isbitaalka Dr. Sumait, arrintaas oo isaga iyo arday badan oo la mid ah u noqotay nafis weyn.
"Isbitaalka markaad tagtid lacag badan ayaa lagaa qaadayaa. Waa wax qaali ah, cilaajkuna ma aha mid raqiis ah. Maanta in daaweyntu bilaash noqoto waa fursad fiican," ayuu yiri Cabdalla Maxamed Cabdalla.
Kaararkan caafimaad ayaa loo qaybiyay ardayda reer Suudaan ee wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, si loogu dammaanad qaado inay helaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah.
Tallaabadan ayaa timid xilli ay arday badan la daalaa dhacayaan culaysyo dhaqaale oo ay ka mid yihiin kharashaadka caafimaadka.
Mas'uuliyiinta waxbarashada ayaa sheegay in taageeradan ay tahay mid ka tarjumaysa xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan. Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariim Muxudiin Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba illaawi karin kaalintii Suudaan ay ka qaadatay waxbarashada iyo dhismaha aqoonta Soomaaliyeed.