Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay weerar ku qaadday goob ay kula shirayeen Ugaaska Beesha Murusade iyo odayaal dhaqameed kale, xilli ay socotay diyaarinta bannaanbax mucaaradku qorsheeyeen inuu ka dhaco Muqdisho.
“Waxaa annaga oo shir kula jirna Ugaaska Beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday,” ayuu Khayre ku qoray bartiisa Facebook
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in israsaaseyn ay ka dhacday qaybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Villa Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdadaas.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa tacsi u diray dadka ku dhintay rabshadaha la soo weriyay, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay. Hase yeeshee, ma uusan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.