Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo lagu falanqeeyay qaab-dhismeedka maareynta khataraha iyo habraaca u-hoggaansanaanta amniga saaybarka, sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka kala socday hay’adaha dowladda, jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo khubaro farsamo, iyadoo ujeedkiisu ahaa in la ururiyo aragtiyo lagu horumarinayo nidaam qaran oo xoojiya amniga saaybarka.
Maareeyaha Guud ee Hay'adda, Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si qoto dheer loo eego dukumentiyada la diyaarinayo, isagoo yiri:
“Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay si taxaddar leh u eegaan dukumentiyadan, una soo gudbiyaan aragtiyo dhammaystiran oo ku saabsan qodob kasta.”


