Muqdisho (Dawan) – Booliska Soomaaliya ayaa xiray la-taliyaha Madaxweynaha Puntland, Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, kadib howlgal ka dhacay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Booliska ayaa barta Facebook ku baahiyay sawirka Hurre, iyagoo ku eedeeyay inuu “ku howlanaa fal amniga ka dhan ah,” isla markaana ay hadda socdaan baaris ku aaddan arrintaasi.
Sida ay warbaahinta Dawan u xaqiijiyeen laba xildhibaan oo goob joog ahaa, Hurre waxaa laga soo xiray Airport Hotel, oo ku dhex yaalla garoonka, xilli habeenimo ah.






