Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa dardargelinaysa dadaallada lagu tayeynayo waaxda duulista rayidka ah, iyadoo la kaashanaysa Hay’adda Kormeerka Badbaadada iyo Amniga Duulista ee Dallada Bariga Afrika (CASSOA), si loogu diyaargaroobo hantidhawrka Ururka Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO).
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in wafdi ka socda CASSOA ay soo gaareen Muqdisho si ay uga qeyb qaataan qiimeynta iyo diyaarinta qorshaha lagu wajihi doono hantidhawrka ICAO.
CASSOA ayaa ah hay’adda u qaabilsan Dallada Bariga Afrika (EAC) arrimaha kormeerka badbaadada iyo amniga duulista hawada, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka xubnaha ka ah dalladaasi.
Axmed Macallin ayaa xusay in Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ay yihiin labada dal ee keliya ee ka tirsan Dallada Bariga Afrika ee aan weli marin hantidhawrka ICAO, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay in laga saaro liiskaas.
“Waxaan u baahannahay, isla markaana aan go’aansannay, in Soomaaliya ay marto hantidhawrka ICAO,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Sida uu sheegay, hantidhawrka ICAO wuxuu qiimeyn doonaa heerka ay Soomaaliya u hirgelisay halbeegyada iyo shuruucda caalamiga ah ee duulista rayidka, oo ay ku jiraan u hoggaansanaanta Heshiiskii Chicago, nidaamyada kormeerka badbaadada diyaaradaha, amniga garoomada diyaaradaha iyo waafajinta xeerarka duulista ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Axmed Macallin ayaa tilmaamay in ka gudubka hantidhawrkan uu furi karo bog cusub oo horumarineed, maadaama uu sare u qaadayo kalsoonida caalamiga ah ee waaxda duulista Soomaaliya, isla markaana uu dhiirrigelin karo maalgashi shisheeye, kobaca shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dib u soo nooleynta astaanta qaranka ee Somali Airlines.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay sanadihii la soo dhaafay si joogto ah dib ugu dhisaysay kaabeyaasha iyo nidaamyada duulista rayidka, iyadoo hadda maraysa heer muhiim ah oo horseedi kara ballaarinta fursadaha duulimaadyada caalamiga ah.