Paris (Dawan ) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kadib dib-u-doorashadiisa, isaga oo ku tilmaamay mid muujinaysa kalsoonida shacabka Jabuuti.
Farriin hambalyo ah oo uu diray Macron ayaa lagu sheegay inuu si diirran ugu hambalyeynayo Geelle, isla markaana uu u rajeynayo guul ku aaddan gudashada mas’uuliyadda culus ee markale loo igmaday.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa xusay muhiimadda xiriirka saaxiibtinimo iyo kalsoonida ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo sheegay in Faransiisku si gaar ah u daneynayo xoojinta iskaashiga Jabuuti.


