Jabuuti (Dawan) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku baaqay in la dhiso awood caalami ah oo lagu sugo marinnada maraakiibta, isagoo ka digay in carqaladaha ku yimaada marinada muhiimka ah ay halis gelinayaan ganacsiga iyo amniga caalamka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay boggiisa baraha bulshada.
Isagoo khudbad ka jeedinayay shir caalami ah oo ku saabsan xorriyadda isu socodka badda, oo uu kaga qeyb galay muuqaal fogaan-arag ah Jimcihii, Geelle ayaa sheegay in beesha caalamka ay tahay inay qaaddo tallaabooyin lagu hubinayo marin badbaado leh oo maraakiibta ay maraan.
“Xorriyadda maraakiibta ma aha oo keliya ganacsi; waxay sidoo kale la xiriirtaa nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri.
Shirka, oo lagu qabtay Paris, isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Faransiiska iyo Britain, ayaa waxaa ka qeyb galay hoggaamiyeyaal ka kala socday ku dhowaad 50 dal, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha la xiriira marinnada muhiimka ah ee badda.
Geelle ayaa taageeray hindise lagu dhisayo awood caalami ah oo fulin karta habsami isu socodka xorta ah ee badda, isagoo sheegay in arrintan ay muhiim u tahay ka hortagga xasillooni darro dheeraad ah oo saameyn karta ganacsiga caalamka.


