Waxaa qoray Dawan Desk - Reporter
Doha, 14 Sebteembar 2025 – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii habennimadii gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, si uu uga qayb galo shir degdeg ah oo ay qabanayaan Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Shirka oo soconaya laba maalmood, kuna yimid codsiga Qatar kadib weerar Israa’iil ku qaaday dhulkeeda, ayaa looga hadlayaa amniga gobolka iyo falalka militari ee Israa’iil.
Geelle waxaa wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdulqaadir Xuseen Cumar iyo saraakiil kale.