Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Jimco ah dhambaal tacsi ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti, kadib geeridii ku timid Wasiirkii Gaashaandhigga dalkaas, Xasan Cumar Maxamed.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Marxuum Xasan Cumar Maxamed masuul qaran oo door muuqda ka soo qaatay xoojinta hay’adaha difaaca ee Jabuuti, adkeynta amniga qaranka, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay kaalintii uu marxuumku ku lahaa horumarinta iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Jabuuti, isaga oo tilmaamay inuu si dhow u taageeray dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay uga wada shaqeynayeen amniga iyo xasilloonida gobolka.