Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa beeniyay in dalka uu u socdo colaad ama dagaal siyaasadeed. Wuxuu sheegay in aysan jirin cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socota midna. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay xubnaha xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee ka tirsan Urur Siyaasadeedka JSP. Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta, doorka xildhibaannada ee horumarinta dowladnimada, iyo diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in beryahan magaalada laga maqlayay hadallo ka yimid “niman odayaal ah oo waaweyn oo saaxiibbo ah”, kuwaas oo ka digaya colaad, nabad-darro iyo dagaal, isla markaana sheeganaya in naftooda ay khatar ku jirto.
“Cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socota ma jirto. Siyaasad dagaal iyo qori caaraddiis lagu fulinayana ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.