Washington (Dawan) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u magacaabay Henry Wooster inuu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Kenya, sida ku cad liiska magacaabista diblomaasiyiinta ee Aqalka Cad u gudbiyay Golaha Senate-ka Mareykanka.
Haddii uu helo ansixinta Senate-ka, Wooster ayaa beddeli doona Meg Whitman, oo xilka safiirnimo ee Mareykanka ee Kenya ka tagtay sannadkii 2024 kadib doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.
Henry Wooster ayaa ah diblomaasi muddo dheer ka soo shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, wuxuuna hadda haystaa darajada ugu sareysa ee heerarka diblomaasiyadda dalkaas.
Sida lagu sheegay xogta uu Aqalka Cad gudbiyay, Wooster wuxuu hore u soo noqday sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Haiti, isagoo sidoo kale soo qabtay xilka Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Waaxda Bariga Dhexe.
Waxa uu sidoo kale safiir ka soo noqday dalka Jordan intii u dhexeysay 2020 iyo 2023, halka uu hore uga soo shaqeeyay arrimaha Waqooyiga Afrika, Masar, Aasiyada Dhexe iyo Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka.