Soomaaliya, 3 Maarso 2026 (Dawan) – Markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha iyo shaqaalihii la socday ayaa la soo badbaadiyay ka dib markii lagu afduubtay xeebaha Puntland ee Soomaaliya, sida ay xaqiijisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya maanta oo Talaado ah.
Afduubka ayaa ka dhacay Gacanka Cadmeed, oo ah aag dhowaanahan ay ka jirtay xasillooni-darro dhinaca badda ah. Safaaradda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay dhacdada, iyadoo ku tilmaantay "fal naxariis-darro ah" oo khatar ku ah badqabka shaqaalaha iyo amniga isu-socodka caalamiga ah.
Sida ay safaaraddu sheegtay, xiriir dhow oo ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa horseeday in markabka si nabad ah loo sii daayo 2-dii Maarso. Safaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in markabka kalluumeysiga uu ku shaqeynayay oggolaansho rasmi ah, isla markaana uu si buuxda u hoggaansamay sharciyada iyo xeerarka Soomaaliya.
"Dhinaca Soomaaliya waxay xoojiyeen go'aankooda ku aaddan amniga maraakiibta Shiinaha, waxayna mar kale xaqiijiyeen muhiimadda horumarinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan qaybta kalluumeysiga," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay safaaradda.






