Boosaaso (Dawan)- Ciidanka Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegay in burcad-badeed looga shakisan yahay inay Soomaali yihiin ay afduubteen markab shidaal oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso, kaddib markii lagu weeraray meel qiyaastii 26 mayl badeed u jirta xeebaha gobolka Hadramout ee dalka Yemen.
Sida uu sheegay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Yemen, markabka oo lagu magacaabo ASANA ayaa la weeraray xilli uu ku jiray safarkiisa badda, iyadoo koox burcad-badeed ah ay la wareegtay gacan ku hayntiisa.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegay in xaruntooda hawlgalladu ay si degdeg ah u billowday isku-dubbarid ay la sameynayaan saaxiibbada caalamiga ah iyo hay’adaha badda, si loo xaqiijiyo xaaladda markabka iyo badqabka shaqaalihiisa, loona ilaaliyo amniga maraakiibta kale ee ku sugan aagga.