Muqdisho (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib-u-dhaca ku yimid ciidamada Masar ee la qorsheeyay inay ka qeyb qaataan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu la xiriiro caqabado dhanka maalgelinta, saadka, diyaar-garowga iyo shuruudaha howlgalka, iyadoo xaqiijisay in Qaahira ay weli ka go’an tahay ka qeybgalka howlgalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in aan weli si buuxda loo dhammaystirin habraaca ku biiritaanka ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM, inkastoo warar hore ay sheegayeen in ciidamo ka socda Masar ay soo gaareen Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo wareysi siiyay wargeysa Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in dhibaatadu aysan ahayn “ballanqaadka siyaasadeed eeMasar ah ama diyaar-garow la’aan”, balse ay la xiriirto qorshayaasha iyo habraacyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Wuxuu sheegay in arrimahaasi ay ka mid yihiin isbeddelka ciidamada, saadka iyo adeegyada taageerada, shuruudaha howlgalka, iyo sidoo kale helitaanka maalgelin waarta oo loo helo AUSSOM.
Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu bishii Febraayo ee sanadkan booqday ciidamada Masar ee loo diyaariyay ka qeybgalka howlgalka, isla markaana uu indho-indheeyay heerka diyaar-garowgooda. Wuxuu xusay in Muqdisho ay doonayso in “sida ugu dhaqsaha badan” loo dhammaystiro dhammaan habraacyada ku xeeran ka qeybgalka ciidamada Masar.
Midowga Afrika ayaa Masar u qoondeeyay 1,091 askari oo qeyb ka ah qaab-dhismeedka ciidamada AUSSOM ee lagu heshiiyay. Qorshaha ayaa sidoo kale dhigaya 4,500 askari oo Uganda ah, 2,500 oo Itoobiya ah, 1,520 oo Jabuuti ah iyo 1,410 oo Kenya ah.